Garawtaah gu madaxii
Goiyo galaa yimidee
Guuguule faal dhigay
Garawaa ninka u baxay
Isna baalasha is goo

Ana gocashadiisii
Gaf u dhacay ismoodsiis
Ana gocashadiisii
Gaf u dhacay ismoodsiis
Waa waxaan galgalashada
anoo gam,ay galadii
Garta ugu naqaayee

Gurigii jacaylkiyoo
Wey ka gadoobtaa
Keebaan gogoshiisii ku hurdaa
Go,an yaa ila huwadee
Gacantu ruux daranaa
Guudkayga
Guudkayga saarane
Guudkayga saarane

Golcasta iyo sibir godan
Kala jeedi geeluyee
Isna garay habaad gubi
Wadnaha inuu ku leeyahay
Waanu galab cadceedsaday

Dhiigi guntama iyo
Guja maqan gulaad oge
Ana ana nabar igaadhoo
Gaar u istilaa
Garta iga damqanaayee

Gurigii jacaylkiyoo
Wey ka gadoobtaa
Keebaan gogoshiisii ku hurdaa
Go,an yaa ila huwadee
Gacantu ruux daranaa
Guudkayga
Guudkayga saarane
Guudkayga saarane

Exit mobile version