VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Galbis - Lyrics

Haduu caawa guuluhu Geesigaad jeclayd iyo Guri khayr leh kugu simay 2× Farxiyaay gurbaa tahee Gurigaaga ka adkoow Xaajigaaga garabkiyo Geestiisa taagnoow Yaanu samirku kaa gudhin Cadho cadho yaan lagaa garan Jacaylkana jacaylkana Ka dhigo gogol 2× Aniguna gacan adaygay Gacantaydii midigeey Farxiyaay gacan adaygay Gacantaydii midigeey Ubax wada guduutiyo Ducaan kugu galbinayaa Ubax wada guduutiyo Ducaan kugu galbinayaa 2× Dad ma wada gudoonee Faaraxow gobaaniyo Gayan weeye inantani 2× Adiguna gudooniyo Garyaqaan ayaa tahee Gabadhaan u roonoow Waa gaari dhaqan lahee Yaanay geenyo kaa caban Kalgacaylku Kalgacaylku yuu guban Jacaylkana Jacaylkana ka dhigo gogol 2× Aniguna gacan adaygay Gacantaydii midigeey Farxiyaay gacan adaygay Gacantaydii midigeey Ubax wada guduutiyo Ducaan kugu galbinayaa Ubax wada guduutiyo Ducaan kugu galbinayaa 2×
Queue is empty
-- / --