Wali gabadh ma sheekeesateen

Kaftan aan lahayn godob
Ma isu gacala miisteen
Hadalkii guddoon wacan
Maku gaba gabeeseen

Halkaa guul midna ugee
Labadeena googaaa
Maad garan xisaabta
mise geedka hadhaca ah
hoostiisa waa guban

Wali guluf ma heen saysateen

Dagaaal labada geesood
Foodda ma isku galiseen
geeriyaale fulaygiyo
Geesiga makal baxay

ana godob misna hagalin

labadeena googaa
Maad garan xisaabtaa
Mise geedkii miro leh
Idinku waad iska gurataaan

Hadii guri aad leedahay marti

kuu timaada gool moon
Maad ku dhaafi gaajada
Mise waxaad gasiin heli
yaad ku soori gobanimo

halkaa goo halna hagalin

Labadeena googaa
Maad garan xisaabta
mise geedkan hadhaca ah
hoostiisa waa guban

Haddii gacalku sooryeeyo

Gasariirta ceebtiyo
Maad ka baqan gadaafada
Mise gogasha taaliyo
Waad ka guran alaabta

Halna godob misna hagalin
labadeena googaa
Maad garan xisaabtaa
Mise geedkii miro leh
Idinku waad iska gurataaan

Exit mobile version