Heesta Habkusoo dheh caashaqa - Lyrics
hablaha tii ku jeclaata
naftaada ma u hurta
hor jaagaagiyo muuqa
hadyad ma uga dhigtaa
qalbigu waa hantii uu
kalgacayl hadhsadee
qof jacaylku hayaa
ma waxbuu hagradaa
wadnayaal isu heelan
hagaag ma isu barnaa
lubi caashaq u horseeday
hambalyaan u diraa
hadalkaaga macaan baan
ku haraad baxayaaye
hab kusoo dheh jacaylka
hoobaantiisa bislaatay
hodaneey quruxdaada
hogol waabari tiixday
hab kuso dheh jacaylka
hoobaantiisa bislaatay
hamigiisa jacaylka
hurda mawga go,daa
sidaydaa maxamed hanadoow
halista ma uga jirtaa
qudhaydaa hoolin wayday
laabta hiil ka sugaysa
heer kulkeeda jacaylka
haki dhaafay qiyaasta
niyad hoo dhursagaysa
hawraar may i qancisaa
mayee waa ku hantaaqee
hawsha aynu dhamayno
hadalkaaga macaanbaan
ku haraad baxayaaye
habku soo dheh jacaylka
hoobaantiisa bislaatay