Heesta Hees - Lyrics
Xiriirka bilaabmay
Xusuusta ku baano
Jirkiyo badankayga
Xiisaha lagu beeray
Iyana boholyoobay
Dareenka ku booqo 2x
Bartaa qalbigaygaa
Xubbiga baradiisaa
Bayaan u dajee
Adkee ballantoo
Guddoon billadiisa
Cishqiga igu baahay 2x
Midkaan boqradee
Dadkaba u bogee
Jacaylka u beer
Ubax soo baxaa 2x
Middii i baddee
Xubbiga i barteee
Beerkayga lushaay
Jacaylka ubeer
Ubax soo baxaa 2x
Jacaylka boggayga
Baryaba ku nagaa
Hadduu kugu beermo
Naftani boholyoowga
Buseelka qabtaad
Baxnaani lahayd 2x
Intaan baajiyo
Barashada walaalnimo
Haddaan bundhigoo
Jacayl u beddeloo
Miyaad iga bi'in
Ilmada burqanaysa 2x
Midkaan boqradee
Dadkaba u bogee
Jacaylka u beer
Ubax soo baxaa 2x
Middii i baddee
Xubbiga i barteee
Beerkayga lushaay
Jacaylka ubeer
Ubax soo baxaa 2x