waxaan ka xunahay runtii
xaqiiq la ilmaynaynaa

dilkii xildhibaanadii
saadoo calankii xidhnayd

qofkii xal ka raadiyoow
wanaaga xilkiisa jecel
intii xabad lagu dhuftaa
xabaal loosii wada

xishoodkii waa lumoo
xuquuqul insaan ma jiro
xaawalay lama dhaafayee
xagee baad u ciirsanaa

xaakimkana barinaye
xisaabta alloow u sahal
janada xarunteed ka yeeloo

alloow ka xoree cadaab
raboow ka xoree ciqaab

waxaan ka xunahay runtii
xaqiiq la ilmaynaynaa

dilkii xildhibaanadii
saado calankii xidhnayd

in kastoo xilqaad rag ahaa
iyo dumar ay xijaabteen
geeridu xaq weeyaan
misana kala xanuun badna

xulkii waaberi ku jiray
xidigtii ugu si mudnayd
xornimada u heelanayd
miyaa lay sheegay xalay

xaakimkana barinaye
xisaabta alloow u sahal
janada xarunteed ka yeeloo

alloow ka xoree cadaab
raboow ka xoree ciqaab

Exit mobile version