hablaha tii ku jeclaata
naftaada ma u hurta
horhjaagaagiyo muuqa
hadyad ma uga dhigtaa

qalbigu waa hantii uu
kalgacayl hadhsadee
qof jacaylku hayaa
ma waxuu hagradaa

wadnayaal isu heelan
hagaag ma isu barnaa

llubi caashaq u horseeday
hambalyaan u diraa

hadalkaaga macaan baan
ku haraad baxayaaye
hab kusoo dheh jacaylka
hoobaantiisa bislaatay

hodaneey quruxdaada
hogol waabari tiixday
hab kuso dheh jacaylka
hoobaantiisa bislaatay

hamigiisa jacaylka
hurda mawga go,daa
sidaydaa maxamed hanadoow
halisa ma uga jirtaa

qudhaydaa hoolin waydya
laabta hiil ka sugaysa
heer kulkeeda jacaylka
haki dhaafay qiyaasta

niyad hoo dhursagaysa
hhawraar may i qancisaa

mayee waa kuu hantaaqee
hawsha aynu dhamayno

hadalkaaga macaanbaan
ku haraad baxayaaye
habku soo dheh jacaylka
hoobaantiisa bislaatay

hodaneey quruxdaada
hogol waabari tiixday
hab kusoo dheh jacaylka
hoobaantiisa bislaatay

Exit mobile version