Inkastoon gu,yaal
Garabkaaga taagnaa
Sow garaadku ima odhan
Caashaqba ka gudub

Adigoo gafaad
I garaad i leedahay
Anoo kuu go,aa
Hadba galinba cay tahay
Anoo guuro jeedaa
Adna gaabsi jeceshahay
Ninkow gaabsi jeceshahay
Ninkow gaabsi jeceshahay

Ha ii gayn hoteelada
Ha i galaafanoo
Ha ii gayn hoteelada
Ha i galaafanoo
Ha i seejin gabadhnimo
Markaad iga gun gaadhaan
Garbo gooso hay odhan hay odhan
Markaad iga gun gaadhaan
Garbo gooso hay odhan hay odhan

Inta gabadh xishood
Edeb lagu dhalaayee
Guur weydayee
Ragu galaalafa badan

Idinkaa gafiyio
Waxaad gaysataa
Ama aad gudaan
Marna kama garaabinee
Dhaqan guurku idinkuu
Ragow gaar idiin helay
Ragow gaar idiin helay
Ragow gaar idiin helaye

Ha ii gayn hoteelada
Ha i galaafanoo
Ha ii gayn hoteelada
Ha i galaafanoo
Ha i seejin gabadhnimo
Markaad iga gun gaadhaan
Garbo gooso hay odhan hay odhan
Markaad iga gun gaadhaan
Garbo gooso hay odhan hay odhan

Exit mobile version