Wuxuu udubku naaxaa
Dhirtu ubaxa bixisaa
Unkamaan caleemuhu
Marka roobku ku onkado

Ana waxaan aduunkiyo
Ifka ugu jecelahay
Inay laba is aaminay
Axdi wada adkeeyaan

Waan se kala irdhwne
Nolol aayatiin lihiyo
Istareex ku nooloow
Istareex ku nooloow

Waan se kala irdhwne
Nolol aayatiin lihiyo
Istareex ku nooloow
Wardi iigu nooloow
Istareex ku nooloow
Macaan iigu nooloow

Wuxuu oonku daayaa
Warku kaa dagaysaa
Farxad kuu ahaataa
Markuu jacayl abuurmee

Aramida kalgacalkuna
Waa eebo igu taal
Oo oo barashadeeniyo
Ma ilaawin wacadkii

Waan se kala irdhwne
Nolol aayatiin lihiyo
Istareex ku nooloow
Macaan iigu nooloow

Waan se kala irdhwne
Nolol aayatiin lihiyo
Istareex ku nooloow
Moow iigu nooloow
Istareex ku nooloow
Macaan iigu nooloow

Exit mobile version