caashaqbaa i jaraystoo
jabad igala boodoo
waxaan jidinka mariyiyo
aan u diiday jiifkee
jahwareerka aan qabo
jiro haygu sii darin
jaale hadalka iga daa
maqli maayo juuqde
maxaan kuu jawaabaa
jismigayga mooyee
miyaan kulaba joogaa

in kastoo ku joogsado
qalbi jeelan caashaq
naf u jeeda ruux kale
kuuma jixin jixaysee
ku jikaari maayee
jaro weeyi sheekadu
amba kaan jantaa wali
aragiisa jiriyaa
maxaan kuu jawaabaa
jismigayga mooyee
miyaan kulaba joogaa

Exit mobile version