Heesta Jacayl midha - Lyrics
gobeey gobeey muxibiyo
gobeey gobeey muhashaba
jacayl igu muday
adaa maraay gobeey
laba mataana
oo midaan nahay
naftu muragada
yay mutaysane
ka ag muuqoo
dareen milicsiga
u muraad fuli
miciinkaygiyeey
mahuraaneey
hee macaanow
kaalay maaree naftoo
ku marnoow
inaad maanka
meel ku leedahay
yaan madow iyo
mugdi kaa galin
gobeey gobeey milgihiyo
gobeey gobeey maamuus
adaa mulkiyoo
mawle kugu saday gobeey
kaama maagoo
kaama maarmee
ruuxa milicsiga
ku dul meeroo
u muhdaa tahee
jacayl midha dhala
muuji awgay
miciinkaygiyoo
midigtaydaay
hee mursaloow
kaalay maaree nafto ku maroow
inaad maankaa
meel ku leedahay
yaan madoow iyo
mugdi kaa galin