Iskilaaji:
Inanyahay Jamaalkiyo
Jalaqsanidu udhalataa

Hodan:
Inanyahoow jir iyo xoog
Joogu uu udheeryahay

Iskilaaji:
Jaleecada ku eegaba
Indhahu kaama jeestaan
waana kugu jarabanhay

Hodan:
Jiririco kalgacal baa
Jirka layga dhaxabuuroo
Ijabaaxay awgaa

Iskilaaji:
Inaan wada jirnaayo
Wada joogno awid baa
Hadanay jecleestee
Jaal ma wada ahaanaa ?

Hodan:
Jamaadka iga baxaaya
Jacayl dhab ah weeyeiyo
Jab aan adiga kuu qabee
Jawaabtayda waa haa.

Iskilaaji:
Jowhar la moodyahay
Jeegaan sideedaa

Hodan:
Jajabnaanta caashaqa
iyo Jaaha nuurka leh

Iskilaaji:
Isoo jiidataayo
Jeex iga mid ah aa tahee
Nacab yoo nakala jarin

Hodan:
Ayaan kugu jecleestee
Axdigoo aan jabiyo
Jab ha’iga filan anniga

Iskilaaji:
Inaan wada jirnaayo
Wada joogno awid baa
Hadanay jecleestee
Jaal ma wada ahaanaa ?

Hodan:
Jamaadka iga baxaaya
Jacayl dhab ah weeyeiyo
Jab aan adiga kuu qabee
Jawaabtayda waa haa.

Exit mobile version