jamashada jacayl waa
jiro iyo xanuun
JALIILKAA bogsiin kara
naftaa jawharada iyo
tahay jeegaan udgoon
miyay kuba jari kartaa

ma jiibsado habeenka
dharaartii ma joogo
waan jirabayaa
jidkaad martaba
waan sii jaleecayaa

adaa jidhkoo idil
jidhiidhico ku beertoo
waan kuujibaysnahay

nafta ku jeeda adi
ruux kale jiridaba ka jirin
miyay kuba jari kartaa

Exit mobile version