Nafyahay cilidaha waqtiga
Cilimi iyo faaido ka baro
Culayska kusoo wajaha
Ka qaado waxii cashar ah

Qofkii ceebtaada jecel
Caydaada ku dhiiranaada
Adoon ucaroon si fudud
Udhaafi cisi iyo amaan

Midkaan caqli deeqiyo
Aqoon kaa celinso jirin
Haduu ku colaadiyana
Maah maah culus baa jirtoo
Cad iyo malab siiso tiro
?? maalaawaaye weeye
Caruur iskahadashiyo
Kasoo qaad meel cidla
Codkiisa dhagaha ka xiro

Rag iyo camal samo qof lehi
Mawaayo cadaawo hura
Bulshada ruux ucodoon
Dad baa xadaltooyid ku ah

Caqliga iyo garashadii
Ciroole saqiir udhigan
Adoo ka cadgooso oran
Allaha caadila ah usamir

Midkaan caqli deeqiyo
Aqoon kaa celinso jirin
Haduu ku colaadiyana
Maah maah culus baa jirtoo
Cad iyo malab siiso tiro
?? maalaawaaye weeye
Caruur iskahadashiyo
Kasoo qaad meel cidla
Codkiisa dhagaha ka xiro

Exit mobile version