VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Lafaciise - Lyrics

Xarunii badhaadhaha Barwaaqada aduunyada Boqor kuugu deeqiyo Lafaciise waa balad Boqorkeen ha dhowree Lafaciise waa balad Aadmigu u wada bogay 2x Booqashada dalxiiskiyo Badarkiyo wax soo saar Bartii lagu yaqaanee La inagu bogaadshiyo Waa deegaanka bilicdii Waa deegaanka bilicdii 2x Hobeey afrikaan u barinee Haway kula baratanaayoo Hobeey lafaciise waa baladee Hobeey ka balaadhan qabalee Hobeey lafaciise waa baladee Hobeey ka balaadhan qabalee 3x Baradii aqoontiyo Beeriyo wax soo saar Baxsan lagu yaqaaniyo Buqcad nabadi taaloo Barakeysan weeyaan Buqcad nabadi taaloo Barakeysan weeyaan 2x Baydkii wax qabadkee Abaaraha wax biiyiyoo Baahida la dirirtaay Bulshadii dedaalku Kugu beeray weynuhu Kugu beeray weynuhu 2x Hobeey afrikaan u barinee Haway kula baratanaayoo Hobeey lafaciise waa baladee Hobeey ka balaadhan qabalee Hobeey lafaciise waa baladee Hobeey ka balaadhan qabalee 3x
Queue is empty
-- / --