Heesta Lamaanaha - Lyrics
lamaanaha xulashada
hilawgiyo xiisihii
intay isla xoojiyeen
xalaal isku guursadaoow
xajiya oo wada xasila
xurmada boqolaal ka dhiga
jacaylkana wada xafida
anana gacal iyo xigaal
waxaan xafladiina iyo
xuskiina ku muujinaa
xarfaha gabaygiyo tixdee
xagiina naga hantiya
qadan waa xuural cayn
xakiimku dhamaystiroo
xaashee aan iin lahayn
alaylehe xaal gobeed
xilkas weeyaan abshiroo
xoojiyoo sacabka u tumaa
xubnaha wada lulaa
anana gacal iyo xigal
waxaan xafladiina iyo
xuskiina ku muujinaa
xarfaha gabaygiy tixdee
xagiina naga hantiya