Afkoo dhuxalaa
Dhaayaha indhaha
Dhalad wanaagaada

Dhaldhalaalka joogaagan
Midibkaaga dhiinka ah

Dhaayaha urooneey
Dhaqaaq joogsigaada
Dhoola ka qosolka idalay

Halkii aad ku dhalatiyo
Dhudi lagu xambaaryee

Ma wax kula dhigmaa jira
Fanaan kula dhigmaa jira
Macaan kula dhigmaa jira
My love kula dhigmaa jira

Dhuuxa iyo lafaha
jacaylkan ku dhacay
ee aad ku dheertahayee

Dharaar iyo laylba
Joogaaga jecelee

Dhaayahii naftaydoo
Waxaad iga dhigantahay
Sida roob dhuyaal da’ay

Halkii aad ku dhalatiyo
Dhudi lagu xambaaryee

Ma wax kula dhigmaa jira
Fanaan kula dhigmaa jira
Macaan kula dhigmaa jira
My love kula dhigmaa jira

Hodaneey dhul roob hela
onakadkuna ku dhacay
Dhibicduna ku weentahay
oo laanta geedahay
Dhayuhu ku doogtaan

Waxaad iiga dhigantahay
Sida laanta dhibiga
Dhir iyo ubax kuyalaan

Halkii aad ku dhalatiyo
Dhudi lagu xambaaryee

Ma wax kula dhigmaa jira
macaan kula dhigmaa jira
Macaan kula dhigmaa jira
Qurux kula dhigmaa jira

Ubax dhiin casoo
Intuu laamo dhigay
Isu dhabarshay geedaha,
Xudumada isdhaafsadaan
Anna kugu dhaganeee

Dhaayihii Naftaydoo
Dhigaad ku mirantahoo
Wadnahaad ku dhigantahay

Halkii aad ku dhalatiyo
Dhudi lagu xambaaryee

Ma wax kula dhigmaa jira
Dabeecad kula dhigmaa jira
Sowt kula dhigmaa jira
My love kula dhigmaa jira

Exit mobile version