Nasiibkaan sugaayayiyo
Nolashaydii baa tahay
neecaaw udgooniyo
Nolashaydii baa tahay

Naxriis ilaahow
Nafta deeqday baa tahay
Nasrigii kalgacalkee
Naawailaayay baa tahay

Nasteexigaygii baa tahay
Qalbigaa ku laasimay

Nuurkaygii baa tahay
Wadnahaad ku nagaaday

Xankaygii nugdaaday
iigu soona ayaa yiri
Soo noqoshadaadii
Asliyeey ma nabad baa

Nabdiga iyo caloosha
Niyadsami dareemee
Nasabkii jacaylkoo
Jaamacoo ma nabad baa

Nasiibkaynu waa guur
Aroos nabad leh aamiin
Naq iyo doog leh aamin
Nimco iyo rays leh aamiin

Exit mobile version