Heesta Nimca - Lyrics
nimcooy waxaad tahay
nabad iyo barwaaqiyo
gur lagu nagaadee
naruuradii kalgacalkiyo
waxaad tahay naqiyo doog
indhaha nuurinaysee
waxay niyadu jeceshay
naftu ay ku faraxdaa
nasiibiyo ayaan badan
ubad nimaad u korisoo
nolol kula wadaajee
nimcooy hawada guul
rajo naawilkaagii
nasiibkaagi kuma gabin
sayigaagu kuu nugul
qalbigaad ku nabantoo
niyadiisu kuu furan
waxay niyadu jeceshay
naftu ay ku farxadaa