Heesta Qudhayda - Lyrics
Ruuxaan kaa quusan la'
Habeenki kugu qarwo
Qumaati u seexan karin
Qalbigaa nabar oogaya
Qeyrka kaa doortayo
Qiyaas li'i adi ku jecel
Qadarin kuu heysaba
Qaadirka igu beeray anige
Intanay gelin qabriga ee
Aan loo qodin xabaal
Qudheyda badbaadi oo
Macaanow xabibii
Qalbiyow wax ila qabo
2
Nafu galay caashaqu
Intu quudkii ka jaray
Ilmadu weli qubaneyso
Jaceylkuna kugu qabiray
Dhaaxaan qaxar soo maro
Dhib baan kaligey qabay
Nolosha ila qeybso oo
Qoys iyo reer ila yagleel
Intanay galin qabriga ee
Aan loo qodin xabaal
Qudheyda badbaadi oo
Macaanow Xabiibi
Qalbiyow wax ila qabo ...
W.Q Fadumo Q.M