aduunyadu sinaan ma leh
wayna kala saraysaa
subax yawmba waa cayn
wixii aad sugaysiyo wadku
waa wax kuu siman
saqda dhexe habeenkii
sagaal jeer intaan kacay
wali waan sahwiyayayoo
nafta waan sasabayaayee
samir baanan leeyahay
hadii aad sad caashaqu
waligaaba socotaba
waxaan saatir kuu qorin
indhaha saari mayside
haku seexan waligaa

siday diintu naga tidhi
sadka aadmi heli karo
sacabkiisa kuma jiro
allaa laga sugaayoo
la isma siiyo waligaa
saamigaan ku leeyee
sugaayay waligay
marna kama samraayee
saatir inuu i siiyiyo
ii samaado waayuhu
hadii aad sad caashaqu
waligaaba socotaba
waxaan saatir kuu qorin
indhaha saari mayside
haku seexan waligaa

Exit mobile version