Heesta Sahal - Lyrics
Anoo saransoorayoo
Anfacada ka soomoo
Afka saar inoontoo
Caashaqu isahansaday
2×
Raga saaran dunidaba
Wiilkaan ka saa'irayee
Raga saaran dunidaba
Wiilkaan ka saa'irayee
Sadriga iyo laabtaba
Sawirkiisa la ii sudhaayee
Sadriga iyo laabtaba
Sawirkiisa la ii sudhaayee
Saw saw sahalo kuma heline
Dhaqankeenu siduu yahay
Iguma kaa dirinee
Saw saw sahalo kuma heline
Dhaqankeenu siduu yahay
Iguma kaa dirinee
Way samaatay noloshii
Uu baxay siraadkii
Sagalkiina uu da,ayee
Dhulka saac u wada gaadha
U wada gaadh
Dhulku saac u wada gaadh
Way smaatay noloshii
Uu baxay siraadkii
Sagalkiina uu da,ayee
Dhulka saac u wada gaadha
U wada gaadh
Macaan saac u wada gaadh
Suuradaada quruxda leh
Sinji waxaad u leedahay
Hadal suuban iyo sharaf
Aan laga sal guurinee
2×
Waan seexan waayoo
Saqda dhexe habeenkii
Waan seexan waayoo
Saqda dhexe habeenkii
Hadba salal la toosoo
Sawdkaagu ii baxo
Hadba salal la toosoo
Sawdkaagu ii baxo
Ooy ooy socoto sheekadiyo
Calaf ma igu kaa simay
Saatir ma isku keen qorayee
Ooy ooy socoto sheekadiyo
Calaf ma igu kaa simay
Saatir ma isku keen qorayee
Way samaatay noloshii
Uu baxay siraadkii
Sagalkiina uu da,ayee
Dhulku saac u wada gaadh
U wada gaadh
Qalbi saac u wada gaadh
Way smaatay noloshii
Uu baxay siraadkii
Sagalkiina uu da,ayee
Dhulku saac u wada gaadh
U wada gaadh
Maanku saac u wada gaadh
Runtii saac u wada gaadh
Macaan saac u wada gaadh