VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sidig - Lyrics

Somaalidu ha maqashee Hadaad saamigaygiyo Saygaygii noqon lahayd Noloshu way sugnaan Lahayd qayrkay usidan Lahaa x2 Sanku neefle adigaan Sida yaasha dhiigiyo Sambabadiyo beerkaa Saldhig kaga dhigi Lahaa x2 Saxariir ku gaadhiyo Silic maadan aragteen Saxar kuguma duuleen X2 Waxaan saatir kuu qorin Sixun looma doonoo calaf Lama saluugee sidii roon Alahayow x2 Aniguba sidaadaan Hadaad sowjadaydiyo Sidigtaydii noqon lahayd Sumcad aan dhamaan Baan sumad kaaga dhigi Lahaa x2 Dabadeed sidii boqor Soo dhaween dadkoo Idil sacab ka ugaraacoo Sara kacaan ku oran Lahaa x2 Salaantii islaamkaan Maalintii sagaal goor Seetahay ku oran lahaa X2 Waxaan saatir kuu qorin Sixun looma doonoo calaf Lama saluugee rabi haysku Keen simo x2 Saldanada aduunyada Mida ugu saraysaan Wiil yahow ku siin laaa Ubax siinad wacan baan Qoortaada suri laa x2 Samirkii ayuubaan kaa Siin lahaa qayb yuusuf Suuradiisana waan kugu Sifeen lahaa x2 Hadalkii sariigmana Afka sooma mariyeen Sahal kuuma idhaahden X2 Waxaan saatir kuu qorin Sixun looma doonoo calaf Lama saluugee sidii roon Alahayow x2 Sida wali siraataan kuu Siyaaran lahaayoo sida Sabi dhalaanaan wax Kastood samaysaba Saamax aan ku oran Lahaa x2 Indho belo masaarteen Sowt xun maadan maqa- Sheen heegada sareetiyo Samadaan ku geen lahaa X2 Sidoodaba hablaha kale Kulamaan simeenoo Waad iga sokeen lahayd X2 Waxaan saatir kuu qorin Sixun looma doonoo calaf Lama saluugee sidii roon Alahayow x2
Queue is empty
-- / --