Heesta Sir Jaceyl - Lyrics
igu sir weeyaan caashaqaan
adi kuu qabaayoo
naf uu dhibay xishoodbaan
odhan karayn ax jacayl
aadbaan kuugu baahnahe
ma ii noqon aqoonyahan
aqligiyo akhrin kara
indho caashaq awgaa
ilmo caashaq soo qubay
oo ma adigoo leebkiyo
igu taagay eebada
ayaan umulka aan qabo
igu sii adkaysaa
kuu imide maantaba
aan abqaalno maanta
kaa adkaysan maayee
kaalay ila dhan caashaqa
igu sugan caashaqu
anba sax iyo maanoo
indho adi ku eegtoo
meel kale u jeedin
anaa adiga kaa daran
waxaad tahay indheer garada
aramida i haysa
isba ay ku wayntoo
umal caashaq ila qaba
alla magane ha i odhan
erayada xanuunka leh
anigoo naf iyo maal
kuu huraaya adigaa