Heesta Somali inaa tahay - Lyrics
Cabdi xamiid:
Suuraddaada wacaniyo
Dhaxda soocanee qoran
Socodkaad dhaqaaqdaa
Qalbigayga iga saaqdee
Sanqaroorka kugu yaal
Siduu eebe kuu dhigay
Somali inaan wadaagnaa
Saan saanteeda leedahay
Somali inaa tahay
Saxar igama saarnee
Soo dhawoow suleeqaay
Adiga ku sugaayeee
Hodan abdirahmaan:
Soo dhaweenta wacaniyo
Sidaad ii sifeesaa
Anba siisan waayoo
Qalbigayga saaqee
Sumaddii islaamkee
Sidee diintu tiri baa
Sifadooda leedahay
Marnaba kuma saluuginee
Somali inaa tahay
Saxar igama saarnee
Soo dhawoow Cabdiyoo/Macaanoo
Anba waa ku sugaayeee
Cabdi xamiid:
Sirtii aan qarsanaayiyo
Siduu beerka uu rabay
Saadirkee isiiyoo
Siideeni maayee
Buurta soo dusheedaa
Saxan maraysiyo
Seerihii dhulkeenaa
Sidoodii u udgoontahoo
Somali inaa tahay
Saxar igama saarnee
Soo dhawoow suleeqaay
Adiga ku sugaayeee
Hodan abdirahmaan:
Sooryadaada wacaniyo
Sidaad ii amaantaa
Sirtaadii isiisoo
Saldhig baan wadaagnaa
Sidii baan armaan subax
Loo sarfaha dhigay
Ubax soo baxaayaa
Sifo arag la leedahee
Somali inaa tahay
Saxar igama saarnee
Soo dhawoow Cabdiyoo/Macaanoo
Anba waa ku sugaayeee
Somali inaa tahay
Saxar igama saarnee
Soo dhawoow Sharafoo/Cabdiyoo
Anba waa ku sugaayeee