Heesta Tashadayee nasiibkaa - Lyrics
Maqaarsanaa tuxaamuu
Tira beelee godabadu
Ruux weeye tamashadu
Tiifta dhibicda duushiyo
Ilma weeye tiixdaa
U taraarmay dhabannadu
Jacayl waa turaale
Tiiqtiiqsiyo muran
Niyadayda ii raac
Iyo tacaddi joogtaa
Iyo tuhunku waa halisee
Naf tuqiyo taajkiyo
Taallada ku galisoo
Tabtan kuma jirayee
Tashadayee nasiibkaa
Asalkee ma tooshuhu
Tarmi waa xisaabtii
Togga jeexa laabtana
Tolmi waayay heensuhu
Tuwallaasi kugu maqan
Dad waa kii tixgelin leh
Taagtaagsiyo ficil
Iyo hadalla tuurtuuriyo
Teelloo ha dhigan
Iyo turuqu waa ceebeee
Naf tuqiyo taajkiyo
Taallada ku geesooo
Tabtan kuma jiraayee
Tashadayee nasiibkaa....,..