saw kuuma xaadhin lubiga oo
dadka kaama xiga oo
dumar kaama soo xulan

saw kuma xaqdhawroo
intaa kuma xurmeeyoo
xag kastaba danteenii
xagal daaca kama jiro

saw xilo gobaadey
dun xariir u dhalataay
qalbigayga kkugu xidhan
xasilooni maad galin

saw jacayl xad dhaafoo
aaawada naftii xulay
naan kugu xamdiya oo
kuu xiiso ima barin

xaqa caashaq leeyahay
markaad ila xilqaadaa
dhiba kala xorownee

saw maanka xero iiyo
xarun kaagama dhigin
dookh u xulashadaydana
xiska saw kuguma qorin

saw xilo gobaadeey
dun xariir u dhalataay
qalbigayga kugu xidhan
xasilooni maad galn

saw jacayl xad dhaafoo
aawadaa naftii xulay
inaan kugu xamdiyaa o
kuu xiiso ima badin

Exit mobile version