VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xubi - Lyrics

xasuus igu maqnaydiyo qalbi kuu xidhnaabaa xadantoonayaa xigsiimo lagdadayoo xuuxdii kalgacalkana kuu xiiso dhaafoo adiga indhuhuna xagaagay intaa kuu xaglinayaan wali xubi iyo jacaylbaa la xanuusanayaayo xubnahayga jiidhkiyo inta xubin dhaqaaqdaba ayaad xayndaab ku tahayo waad i xiiso galisayee xalaybaan saqdii dhexe xajin waayay gogoshoo kaligay xisaabtamay xag kastaba markaan dayay xiisaha dareenkuna in xagayga uu jiro xaaladaydu xad dhaaf aniga igu tahay imikaan xaqiiqsaday
Queue is empty
-- / --