Inta aaney gaareyn
gacanteydu meel sare,
ciil igu gaboobiyo
godobtaan tirsanayana
cidi ii garaabeyn,

Taladeydu geed dheer
ha saarnato guudki
adigana garaadka
indhaha la galiyo
ohobeey wax garashada
waa lagugu gaabshe
midh garaagara
ha ii tarin aniga.

Doqon baan gaf iyo
garsho ugeystay hadiban
abaalkana gudeynine
ma Aar baa ninkii ganay
libta kala galbanayaa

Taladeydu geed dheer
ha saarnato guudki
adigana garaabta
indhaha la galiyo
ohobeey wax garashada
waa lagugu gaabshe
midh garaagara
ha ii tarin aniga.

Inta aaney gaareyn
gacanteydu meel sare,
ciil igu gaboobiyo
godobtaan tirsanayana
cidi ii garaabeyn,

Taladeydu geed dheer
ha saarnato guudki
adigana garaadka
indhaha la galiyo
ohobeey wax garashada
waa lagugu gaabshe
midh garaagara
ha ii tarin aniga.

Exit mobile version