anoo libinta kula raba
hadaad laaday axdigee
anba lahasho caashaqa
shishe laabta uma galin
lugbaa dibada ii taal

adoo loolan ii galin
rafaad iyo lur ii marin
ayaa liiskan kugu daray
adigaa is lug gooyee

mid kalood ku laashaba
ninka lumayoow
aniga ha isu kay ladhin
danahaagu yay lumin

adigoo laxaad gabay
oo socodka luudoo
liita oon itaal hayn
ayaad laan jabaysiyo
laydha cuskanaysaa

adoon loolan aan baran
laxaw iyo dhibaan arag
yaa looxan kugu dhigay
adigaa is lug gooyee

Exit mobile version