qosol maaha caashaqu
xididaduu dhex qaadoo
wadnuhuu qabsadoo
wuu iga dhex qaadee

qarsan waayay aniguye
qaabkuu igu soo galaye
u qaribay naftayda
waxba anigoon qiran
qol waliba ka sheegaa

kana quusan maayee
qaadirbaan ka sugaa
jacaylkuna qiyaas malee
qunyar ma isla eegnaa

qiimaheeda noloshiyo
qaadir intuu abuuray
jacaylka u qaalee
qoys ma wada yagleelnaa

quudan waayay oontee
qaab kastoon u eegaba
qodaxba igu taagane
runta anigoon qarin
qof walbaan u sheegaa

Exit mobile version