Saqda dhexe habeenkii
Inaan seexan waayiyo
Silaciyo dhibaatadu
Sabab taada weeyaan
X2

Iyadooy sidaa tahay
Ayaanan kugu salugeen
Oo aan asaagay kaa
Soocday dunidoo sina
kaaga Maar mayn
X2

Samahoriyo xumaatiyo
Waxaad igu sameesaba
Inaan samro mooyee
Sikaloon idhaahdaba
Iimaba sugnaatee
X2

Suuraynta aadmiga
Saatirkay midkuu saxar-
Li sameeyaan si wacan
Loo abuuroo X2

Mar hadaad sadriga iyo
Sidayaasha dhiigiyo
Surimada halbowlaha
Wadnahayga saaqdoo
Sina kaaga maar meen
X2

Sama waliya xumaatiyo
Waxaad igu sameesiyo
Inaan samro mooyee
Sikaloon idhaah daba
Iimaba sugnee X2

Exit mobile version