caashaqa salfaday maanka
saameeyay noloshayda
adaa seeska udubkiisa
iyo sawdka igu raacay
surin lama talaabaanka
maxaa geeyay saantaada
jacaylkii sugnaa aaway
samihii badnaa aaway
balantaad sax tidhi aaway
ma sirqoolan bay ahayd
hadaan salaw ku noolaado
ama seego marinkayga
wax kastoo isoo gaadha
adigaa leh sababteeda
samhii kalgacalkeena
gacaloow hadaad saydhay
qalbigii ku sugaayay
ee aan gaarka ku siiyay
haka tagine sii qaado

Exit mobile version