Heesta Galbis - Lyrics
gacaliye sidee tahay
gacaloy bal waa nabad
gabadh yahay waxan ahay nin gocoshada daraadaa qaban waayay gogoshee
aniguba gunuunaca iyo gooha awgaa hurdo gama masiiyee
siduu laxowgu iigalay xadhig iigu giijiyay gami'i waayay jiifkee
anba way gilgilayoo ila gaar kalgacalkii markuu gantaashee
kalgaceel kan gaamuray garba duubka ii xiray ee xalayta ila guday garu go'ay miyaa jaray
sowkii qaysba gowracay laylana godka udhigay boodhari go'doonshoo garka iyo wadnaha jaray
mar haduu gadaa yahay adna tahay gayaan kayga aynu guri yag leelnee soo gunaanad sheekada
galbis loo ciyaariyo iyo gooha howshuba haku gaba gabowdee kumaan gabine soo soco