Heesta Hadimo - Lyrics
anigoo hagoog iyo hu garbaha lasaartiyo haa saawe wali baran hidisaha jaceelkiyo hadal haynta guurkaba adigaa igu howloo
adigoo hir xoogliyo heego ay ku sidatoo talo kaa hawiran tahay
waa anigii ku hooyoo hagarli'i ku baashoo howraarsan sheekada durba kaaga haqabtiray
hayeeshee hankaygiyo haruubkii jaceelkee kuu hiilshay kaligaa
sidaan kuugu hoorshay iigu maad hanbaynin dabcan hadimadayda kula howl yaraatoo hubsan wayday taydee
ha iskukay haleen baad hadalkii ku goysee hiyigaaga igasaar
hadal waaray baayiri nin han taaturooday horuu socodka ugu jiray
ma markaan hidaydiyo nafta kuu hibeeyoo isku kaa haleeyaa hinaasoole noqotay
wayska howl aduunyee hagardaamo ruux faloo harsadaa lasheegine