VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jiilaal - Lyrics

Jiilaal onkoday iyo Jibintoo dhacaysa Jugta lagu ogaadaa Sidii ina jaadeerbaa Jiilaal onkoday iyo Jibintoo dhacaysa Jugta lagu ogaadaa Sidii ina jaadeerbaa Xalay jalaladkaygii Laga jiifsan waayee Maad ila jibaadaan Ama jidhiidhicootaan Xalay jalaladkaygii Laga jiifsan waayee Maad ila jibaadaan Ama jidhiidhicootaan Ama wax ila jamataan Markii la igu kiin diray Ileyni jacaylku Waa jidkii siraadoo Janadiyo cadaabtaa Wali kala dhex joogaa Ileyni jacaylku Waa jidkii siraadoo Janadiyo cadaabtaa Wali kala dhex joogaa Adoo jidii cidla yaal Oo jamal cadaawoo Hadhka kuuma jiidee Jidin iyo hangool iyo Adoo jidii cidla yaal Oo jamal cadaawoo Hadhka kuuma jiidee Jidin iyo hangool iyo Dadka jaadka cunayaa Igu jalo quutee Maxaa la ii jikaaraa Ama la ii jirabayaa Dadka jaadka cunayaa Igu jalo quutee Maxaa la ii jikaaraa Ama la ii jirabayaa Ama la iiga jarayaa Ma geed jiicaban ahay Ileyni jacaylku Waa jidkii siraadoo Janadiyo cadaabtaa Wali kala dhex joogaa Ileyni jacaylku Waa jidkii siraadoo Janadiyo cadaabtaa Wali kala dhex joogaa Waa jawharadoodoo Indho waxay u jeelaan Iyagaa jaleecdee Kolkay jiilka waabari Waa jawharadoodoo Indho waxay u jeelaan Iyagaa jaleecdee Kolkay jiilka waabari Dayaxoo janjeedhsaday Iska soo horjeesteen Maa ila jibaadaan Ama ii jidh dabacdaan Dayaxoo janjeedhsaday Iska soo horjeesteen Maa ila jibaadaan Ama ii jidh dabacdaan Ama ii jawaadaan Markii la igu kiin diray Ileyni jacaylku Waa jidkii siraadoo Janadiyo cadaabtaa Wali kala dhex joogaa Ileyni jacaylku Waa jidkii siraadoo Janadiyo cadaabtaa Wali kala dhex joogaa Dadka oo bar jiifsaday Juuqduna yaraatoo Dhaxan jawla mooyee Aan juuq iyo jaaq jirin Dadka oo bar jiifsaday Juuqduna yaraatoo Dhaxan jawla mooyee Aan juuq iyo jaaq jirin Jagi jagi ciyaariyoo Jaarkaygii maqanyahee Kaligay jibaadaa Jacaylkaa i jiitee Jagi jagi ciyaariyoo Jaarkaygii maqanyahee Kaligay jibaadaa Jacaylkaa i jiitee Maxaa la iiga jaraya Miyaan jiidh naxaya jirin Ileyni jacaylku Waa jidkii siraadoo Janadiyo cadaabtaa Wali kala dhex joogaa Ileyni jacaylku Waa jidkii siraadoo Janadiyo cadaabtaa Wali kala dhex joogaa
Queue is empty
-- / --