Heesta Kala dira - Lyrics
Tii kala dirtay
Qoys wada degan
Duqihiyo wiil kala dayrisaay
Kii kala dishay
Dadkii wada dhashay
Hanti caamiya
Kala daadisaay
Tii kala dirtay
Qoys wada degan
Duqihiyo wiil kala dayrisaay
Kii kala dishay
Dadkii wada dhashay
Hanti caamiya
Kala daadisaay
Kuwii shalay duunshaa
Dubihii mar kale
Daabka u hayoo
Dulmi iyo xumaan
Kuwii shalay duunshaa
Dubihii mar kale
Daabka u hayoo
Dulmi iyo xumaan
Doonayni nabar
Aan ku diirsanee
Ma ku daawanaa
Maye waxad u dayn
Qaar daacadoo
Rabi soo diraa
Reerka dajinee
Doonayni nabar
Aan ku diirsanee
Ma ku daawanaa
Maye waxad u dayn
Qaar daacadoo
Rabi soo diraa
Reerka dajinee
Inaguna dadaal
Deganiyo midnimo
Duni noo qabiil
Korug dorsanee
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Inaguna dadaal
Deganiyo midnimo
Duni noo qabiil
Korug doorsanee
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Tii dunida oo
Jahabo aan ku nahay
Ruuxday gobonimo
Nabaday dawaro
Tii dilaalka iyoo
Duliga u jeclayd
Dadna ugu necbayd
Ruuxa ugu damqada
Tii dunida oo
Jahabo aan ku nahay
Ruuxday gobonimo
Nabaday dawaro
Tii dilaalka iyoo
Duliga u jeclayd
Dadna ugu necbayd
Ruuxa ugu damqada
Kuwii shalay duunshaa
Dubihii mar kale
Daabka u hayoo
Dulmi iyo xumaan
Kuwii shalay duunshaa
Dubihii mar kale
Daabka u hayoo
Dulmi iyo xumaan
Doonayni nabar
Aan ku diirsanee
Ma ku daawanaa
Maye waxad u dayn
Qaar daacadoo
Rabi soo diraa
Reerka dajinee
Doonayni nabar
Aan ku diirsanee
Ma ku daawanaa
Maye waxad u dayn
Qaar daacadoo
Rabi soo diraa
Reerka dajinee
Inaguna dadaal
Deganiyo midnimo
Duni noo qabiil
Korug dorsanee
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Inaguna dadaal
Deganiyo midnimo
Duni noo qabiil
Korug doorsanee
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer
Soomaalaay dantiyo
Midnimo u dareer