Heesta Shinbir tahliil hodon - Lyrics
dabeeshii caafimaadkiyo shimbirkii dawadaa sidow nabadaa daadihinayow
dalkani dad u wada jiroo dantiisa ilaaliyoo dareema xumaatadoo wanaaga u dooda iyo difaac wada jiruu rabaa
dabeeshii caafimaadkiyo shimbirkii dawadaa sidow nabada daadihinayow
inagoo isku duubanoo udarbanahay howlahoo dadaaloo iswaansaniyo dalkaani shaquu rabaa
dadkan somaliyed dekada beeraha galiyo gacalka diriroo isnacay qabiilku dab kuu shiday dib usocotiyo daneeste danyartay kala dilayso dalkani dadka qabtuu rabaa
casrigan dayixii latagay dhalinyaro daacadoo aqoon duxle baratayoo cilmigu dowgii tusoo farsamo dajinayso oo dadkooda baahida uu qaboo dag dag ugasaarta iyo dadkani dhaqaaluu rabaa
dabeeshii caafimaadkiyo shimbirkii dawadaa sidow nabada daadihinayow
waxan dabuubta hadalka baaqaa uga dan leeyahay dad waynaha somaloo
bal aayihiina daya oo dada sookoraayiyo duriyaadkii dhaxal ureeboo
dalkiina horumar kiisiyo maamulkiisa doona daryeelo oo hagaajiya howlaha ku dadaaloo kan dilaaya ka dhiciya oo
dabeeshii caafimaadkiyo shimbirkii dawadaa sidow nabada daadihinayow
danaha dadku waa isku xiranee dunidu waa hagaadho nabadoo dagaalada laysku hoobtay deg deg haloo joojo gabiyoo
dulmigu aadamigu hadaayo cadaawada hala duugo dadkoo dhami cadaalad waartiyo sinaan haku wada dakeeyo
dad keenu barwaaqo nabadeed deegaanka haloo horseedo