VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ha iga dheraan - Lyrics

caku dhalan qurxooneey dharaartaynu kulanaa jacayl la ii dhameeyo dhul intaan ku noolaa dhaayahaygu may arag inan wali dhigaagee quruxbaa kugu dhamaatoo dhakafaaray aniguye ma dhashii suleekhiyo dhiigii yuusuf baa tahay caku dhaayahaygoow amba way igu dhiganto xiska kama dhamaatide dhabta hooyo kuma qaban mana dhalin adoo kale ama wiil dhigaagee sida tahay dharaar subax cadceedoo dhag tidhibaa dhiigayga kicisee marna hayga dheeraan waxaad iiga dhigan tahay dhibicyaraha rooobko intuu raasa biyo dhigay dhagax buur ku da,ayoo ubax dharab ku yaaliyo dhirtu wali qoyaan tahay quruxbaa kugu dhamaatoo dhakafaaray aniguye ma dhashii suleekhiyo dhiigi yuusuf baa tahay amba dhaayahaygoow dhibku wuu igaadhoo dhan kastaba jacayl wa a dhuuxayga raacoo dhamaan waaxyahaygiyo dhiigaan wadaagnaa sidaa tahay dharaar subax cadcedoo dhag tidhibaa dhiigayga kicisee marna hayga dheeran
Queue is empty
-- / --