VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Wadan cashaq Lyrics

wadan caashaq baan shubay
walwal baan ka heesaa
weedhaan karkariyaa
taladaan wadaagnaa
waayahay idhaahdaa
warkaasee laba shub ugu dhaca
yaan wada jir laga karineey
garashada ha waydayn
ha igu noqon wadkaygii
wali ma riyoodoo
wacad ruux qabaa yidhi
wagareey ka waasacan
ana wabaxa eegmada
dadku waxay yidhaahdaan
waa wehelka caashaqa

waagii sama baryaabaa
ruuxuunbuu wax yeelaa
weedhaadi adi kaa maqan
qofuun buu wakkhtigu wehel
waxyeelada kalgacal dhala
lama wayn nalakala arag
wabi waa halbawluhuye
ma waraasbha dhiigee
wadnaha uu ku shubi jirayee
wali ma riyoodoo
wacad ruux qabaa yidhi
wagareey ka waasacan
ana wabaxa eegmada
dadku waxay yidhaahdaan
waa wehelka caashaqa


Lyrics by: madar
loading..
-- / --