Dawooy waan ku doonayaa
Dartaaban u heesayaa
Dadkana waan kuu jecloo
Adaan kuu dadaalayaa
Sidaan kuugu daalayeen
Adiga kuu daba socdaalaa
Qalbigu i dubaaxiyee
Adigoo iidaacadiyo
Dulqaadbaan kaa rabaa
Haduu DAA'IMKEEN yidhaahdo
Damaashaad iyo cayaar
Farxadi way inoo danbayne
Nimcaad ku durduurane
Dawooy ha igu samir daraan
Dawooy dumarkaba dhamaan
Dunida aan ku noolnahay
Da'da maanta joogtana
Darmataan doortaay
Daruur ii daroortayoo
Dushayda ka hoortay iyo
Qalbiga lagu daabacaay
Adigoo doqon ii malayn
Daryeelbaan kaa rabaa