Dumarkoo idil taan ka dooranayee
Darteed uga hadhay dantaydiiye
Deegaanka xamarooy dantii dhigatiyo
Doonisteedaan ku daalaaye

Dawadii qalbigaay ku doondoone
Darbiyo ha igu tuurin daabada ee

Dayaxa sare waan la doodaayoo
Daruurta cirkaan la daris ahayoo
Dabaysha sare dhawaaqaysiyo
Dar ceela dhigtaan dabaashaaye

Exit mobile version