Duni aakhar sabaneey
Iska dulundulceeyoo
Iska dulundulceeyeeyo

Maro dahab la moodaa
Guudkaaga daadsanoo
Bohol nin leesaa
Durdurada ku jabanee

Ana waxan dambaababa
Waanigan waanigan ducaystee
Ana waxan dambaababa
Waanigan waanigan ducaystee

Waa sheeko sheeko duub lehee
Waa daymo daymo yaab lehee
Waa sheeko sheeko duub lehee
Waa daymo daymo yaab lehee
Daruur caafimaadeey adna
Adna ma idul joogtaa
Daruur caafimaadeey adna
Adna ma idul joogtaa

Duni aakhar sabaneey
Iska dulundulceeyoo
Iska dulundulceeyeeyo

Duunyaduba dheefbay
Isla doonataayoo
Laba daaq ku kala lumay
Isku day daydaayoo

Ana deeq ilahbaa
Igu soo igu soo dabuubtee
Ana deeq ilahbaa
Igu soo igu soo dabuubtee

Waa sheeko sheeko duub lehee
Waa daymo daymo yaab lehee
Waa sheeko sheeko duub lehee
Waa daymo daymo yaab lehee
Daruur caafimaadeey adna
Adna ma idul joogtaa
Daruur caafimaadeey adna
Adna ma idul joogtaa

Exit mobile version