Gacalo goor iyo ayaan
Aduunyadu waa giraan
Gadaan ruuxba meel qabsado

Hawshiisa qofkii gabaa
Gawaan raacbuu noqdaayo
Gaajiyo cudurbuu mutaayo
Cidluu ku go'doomayaa

Xilkooda kuwii gutana
Ifkay nolol wacan galaane
Gugaan ku jeclaaday kow dhe
Galabtaan is aroosnay laba dhe
Guurkeena xuskiisa weeye
Farxada gacalooy ciyaar

Gacalo goor iyo ayaan
Anigu waxaan ahay gayaan
Gurboodka xaqooda guda

Hablaha gayigeena jooga
Adaan kuu guuxayaayoo
Waliba kugu gaaxsanhahaye
Cadaawaha garab ha siin

Exit mobile version