Heesta Hami - Lyrics
Naf hamida owgaa
Intaa kuu hadaaqdoo
Hiil kaa sugaysaa
Hadimada ka eegaa
Haasawahaagiyo
Wali hadaladaaday
Naftu haybinaysaa
Huunooy adaay ala huunooy
Huunoy sahraay
Huunooy dartaabaan
Heesaha u mariyaaa
Hobolbaan u dhiibaa
U hibee idhaahdaa
Naf hamida awgaa
Intaa kugu hadaaqdo
Meehanawda hawdkaan
Soo hoy is leeyahay
Hagooglaha libaaxiyo
Idil habar dugaagbay
Ka dhex haybinaysaa