Ha iilan hooyooy
Ha eedaadin hooyooy
Hana aafoobine hooyooy

Araxdiyo oofahaygaay
Aqoontiyo aragtidaydaay
Tui lagu aaminay naftaydaay
Ha aafoobine hooyooy

Hoygiyo hoygii aduunkaay
Nolosha aayaheedaay
Hoygiyo hoygii aduunkaay
Nolosha aayaheedaay
Hido lagu arooraay
Ha aafoobine hooyooy

Aayadaha quraankiyo
Aamiinta ducadiyo
Eebaan kuu baryaa
Ha aafoobine hooyooy

Ayaan waliba tilmaan lehee
Marna anigoon ilaawayn
Ayaan waliba tilmaan lehee
Marna anigoon ilaawayn

Uurka ku qaadistaadii
Oogada hooyo
Ku xambaaristaadii

Abaabintiyo ilmahaagi macaana
Umushaada kol ay tahay

Eedaarkii ku soo maray
Waan ku ogsoonohoo
Kaama abaal dhacaayee
Ha iiln hooyooy

Exit mobile version