Milic iyo mahiigaan
Iyo halis intaan maray
Male laguma koobee
Mawashaye macaaneey
Meeshii iyo meel u dhawbaan
Ku dul meerayaaye

Meel loogu toosiyoo
Male ma le aduunyadu
Mehanaaba mooyee

I madeed i maan qaad
Ina muday sidaa mayay
Maalmahana jacaylkuye

Nin mutaa ma muuqdoo
Muruquna ma ciidmoo
Mahad uma caweeyee
Imikaan miciin li'i
Hadba meel darxumo badan
Meehanaabayaaye

Exit mobile version