VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Suleeqa - Lyrics

Sunayaal biciid keeg Sagalkii carabo yaal Suuradii suleeqaad Sahal maaha noloshuye Samirbaa lagu dhaqmaa Ubad lagu sugaa Inaguna salaaniyo Ducay kuu sidaanee Gabadhyahay sagaal wiil Geesi niman kawada siman Hanti aan sal gudhayn Saatirkay ka barinaye Haku siiyo nolol sare Ha idin siiyo nolol sare Sida ubax salaadii Surimada kasarakacay Iyo saban barwaaqo le Sambabadiyo beerkiyo Qalbigaad dul sudhantahay Cidi kugu sinayn
Queue is empty
-- / --