Aroortiyo oogta
Hore cirkoo cuganoo
Irmaan ibihii furay
Onkodee x2

Hufiyo neecaaw
Udgoon dhul ay ku
Aloosan yihiin x2

Ugbaadka ku yaalo
Iyo adaa ubax baxay
U eg x2

Amaantiyo erayga
Wacan afkuun kama
Sheegayee uurkaan
Kaa doonayaa x2

Abaal ruux kugu
Lahaa amaan baa
Loo celshaa kolkaad
U awod heshee
X2

Inaan ugubnimo ku
Helo ayaan ha igusimo
Naftan kugu aaminee
Sidaa adiguna agow
X2

Amaantiyo erayga
Wacan afkuun kama
Sheegayee uurkaan
Kaa doonayaa x2

Exit mobile version