Xidigtaan arkaayiyo
Nafta taan xiriirsaday
Xamaskiyo barwaaqadu
Xero qudhay ka muuqdaan

Xigoshana warkayga
Wixii faalo roonee
Xiisadiyo dadkeena
Xilo iskaga keen dhigay

Waxaan kuu xajeertaa
Markuu xiiso yeeshaa
Adaaxiga xagaygee
Xakamahaa ahaa ahaa
Ha sii deyn
Xakamaha ha sii deyn

Xaga iyo xagaaba dayay
Haweenkana xisaabiyay
Xamaroo dhan soo maray
Wax xumaan ku sheegana
Xaawo sharafa xaawo luula
Xaawo nuura maan arag

Na xuluustay waayaha
Naftan xiiso loo helay
Nin jacayl xalaaliyo
Ragu ogaalku waa adi

Xubintan hadlaysiyo
Hanti kuguma xaasidin
Amarkiyo xasuustana
Xero xerodoodu waa adi

Waxaan xumo ka leexdaa
Xambab ka bogsoodaa
Adooxiga dhankaygee
Xakamahaa ahaa ahaa
Ha sii deyn
Xakamaha ha sii deyn

Xaga iyo xagaaba dayay
Haweenkana xisaabiyay
Xamaroo dhan soo maray
Wax xumaan ku sheegana
Xaawo sharafa xaawo luula
Xaawo nuura maan arag

Exit mobile version